dcsimg

Digir Guud ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan digirta. Maqaalo kale fiiri digir, faasuliyad, digirta madow, digirta cas, digirta cad
 src=
Bixida geedaha digirta
 src=
Beerida iyo bixitaanka digirta
 src=
Noocyo badan oo digir ah

Digirta Guud (Af-Ingiriis: Common beans; Af-Carabi: فاصولياء شائعة) Saynis ahaan loo yaqaano "Phaseolus vulgaris"[2] waa midho firiley ah oo ka baxa deegaano badan oo caalamka ah. Sida caadiga ah, digirta guud waa ereyga soo kooba noocyada digirta ee leh midabo kala duwan, laakiin guud ahaan isku midka ah.[3][4] Digirtu waxay ka mid tahay dhirta qaniga ku ah nafaqada borotiinka ee firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah.[5]

Gabi ahaan dhirta geedaha digirtu waa mid dhasha hal mar sanadkii, taasi oo u baahan cimilo iyo biyo kala gedisan.[4] Digirtu waa midho yaryar oo adag, qalalan, leh midabo kala duwan taasi oo ku salaysan cimilada, deegaanka iyo nafaqada geedka. Sidoo kale waxaa saameyn ku leh kala duwanaanta midhaha digirta waa jiiniska (genes),

Digirtu waxay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinka ka hor, wakhti hada laga joogo 10,000 sano.[6] Sida caadiga ah digirta waxaa maanta laga beerta meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo Antaraktika. Wadanada Baraasiil iyo Hindiya aya ugu badan soo saarida iyo beerida digirta qalalan, halka wadanka Shiinaha ugu badan yahay nooca digirta cagaaran. Sanadkii 2010ka waxaa caalamku guud ahaan soo saaray 23 milyan oo digirta guud ah iyo 17.1 milyan oo digirta cagaaran ah.

Noocyada ugu caansan digirta waxaa ka mid ah: digirta caadiga ah, faasuliyada, digirta madow, digirta cas, digirta cad iyo noocyo kale oo badan. In kastoo meelo badan ay ka baxdo digirtu, hadana labada Ameeriko ayaa lagu sheegaa ineey asal ahaan ka soo jeedo.

Beerida Digirta

 src=
Beeraha digirta ka baxdo

Si ka duwan mida ay isku dhow yihiin ee digirta cagaaran, digirtu waa midho la beero wakhtiyada cimiladu diiran (kuleyl yar) tahay. Waxay digirtu ku qaangaadhaa 55 ilaa 60 cisho ka soo biloow wakhtiga beerista ilaa bislaanshaha. Marka iniinta digirtu ay bislaan rabto waxay bedeshaa midabkeeda oo noqda huruud isla markaana way adkaataa waxayna yeelataa qolof ama dahaar khafiif ah. Taariikh ahaan waxaa la sheegay in markii ugu horeeysay lagu beeran jiray qaaradaha Ameerika (koonfur iyo waqooyi), halkaasi oo dadka deegaanku u isticmaali jireen cunto ahaa. Waxay geedka digirta ku dhex beeri jireen geedo kale sida galleyda si uu taageero uga helo.

Taariikh

Carracci - Mangiafagioli.jpg

Digirtu waa mid la beeran jirey ilaa wakhtiyo aad u horeeyay. Meelo badan oo kala duwan ayaa laga helay digir aad u taariikh dheer. Noocyo ka mid ah digirta waxaa laga beeran jirey wadanka Afgaanistan iyo buuraha Himalayas.[7] Sidoo kale nooc ka duwan waxaa laga beeran jiray wadanka Taylaan wakhti imika laga joogo 7,000 sano.[8] Waxaa iyadana xusid mudan in boqortooyadii hore e Masar ay isticmaali jireen digirta.[9] Sidoo kale deegaano badan oo ka mid ah qaaradaha Ameerika waxaa laga beeran jirey digirta wakhti imika laga joogo 8,000 sano, taasi oo qaaradahaas ka dhigeysa kuwa ugu da'da weyn ee inta la ogyahay taariikhda beerashada digirta caalamka.

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Tixraac

  1. "The Plant List: A Working List of All Plant Species".
  2. Gentry, Howard Scott (1969). "Origin of the Common Bean, Phaseolus vulgaris". Economic Botany. New York: New York Botanical Garden Press. 23 (1): 55–69. JSTOR 4253014. doi:10.1007/BF02862972.
  3. "eb9|Gram" in the Encyclopædia Britannica, 9th ed., Vol. XI. 1880.
  4. 4.0 4.1 "USDA GRIN Taxonomy". Retrieved 21 October 2014.
  5. Philologos (October 21, 2005). "Chickpeas — On Language". The Jewish Daily Forward]]. Retrieved 2009-03-28.
  6. Phillips, R.; Rix, M. (1993). Vegetables. New York: Random House. ISBN 9780679750246. http://books.google.ca/books/about/Vegetables.html?id=DKVFAAAAYAAJ.
  7. Kaplan, pp. 27 ff
  8. Gorman, CF (1969). "Hoabinhian: A pebble-tool complex with early plant associations in southeast Asia". Science. 163 (3868): 671–3. PMID 17742735. doi:10.1126/science.163.3868.671.
  9. Daniel Zohary and Maria Hopf Domestication of Plants in the Old World Oxford University Press, 2012, ISBN 0199549060, p. 114.
license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha

Digir Guud: Brief Summary ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
Kani waa maqaal ku saabsan guud ahaan digirta. Maqaalo kale fiiri digir, faasuliyad, digirta madow, digirta cas, digirta cad  src= Bixida geedaha digirta  src= Beerida iyo bixitaanka digirta  src= Noocyo badan oo digir ah

Digirta Guud (Af-Ingiriis: Common beans; Af-Carabi: فاصولياء شائعة) Saynis ahaan loo yaqaano "Phaseolus vulgaris" waa midho firiley ah oo ka baxa deegaano badan oo caalamka ah. Sida caadiga ah, digirta guud waa ereyga soo kooba noocyada digirta ee leh midabo kala duwan, laakiin guud ahaan isku midka ah. Digirtu waxay ka mid tahay dhirta qaniga ku ah nafaqada borotiinka ee firileyda ah, taasi oo ka baxda meelo badan oo dunid ah.

Gabi ahaan dhirta geedaha digirtu waa mid dhasha hal mar sanadkii, taasi oo u baahan cimilo iyo biyo kala gedisan. Digirtu waa midho yaryar oo adag, qalalan, leh midabo kala duwan taasi oo ku salaysan cimilada, deegaanka iyo nafaqada geedka. Sidoo kale waxaa saameyn ku leh kala duwanaanta midhaha digirta waa jiiniska (genes),

Digirtu waxay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinka ka hor, wakhti hada laga joogo 10,000 sano. Sida caadiga ah digirta waxaa maanta laga beerta meel kasta oo caalamka ah, marka laga reebo Antaraktika. Wadanada Baraasiil iyo Hindiya aya ugu badan soo saarida iyo beerida digirta qalalan, halka wadanka Shiinaha ugu badan yahay nooca digirta cagaaran. Sanadkii 2010ka waxaa caalamku guud ahaan soo saaray 23 milyan oo digirta guud ah iyo 17.1 milyan oo digirta cagaaran ah.

Noocyada ugu caansan digirta waxaa ka mid ah: digirta caadiga ah, faasuliyada, digirta madow, digirta cas, digirta cad iyo noocyo kale oo badan. In kastoo meelo badan ay ka baxdo digirtu, hadana labada Ameeriko ayaa lagu sheegaa ineey asal ahaan ka soo jeedo.

license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha