dcsimg

Naasley ( сомалиски )

добавил wikipedia emerging_languages
File:Mammal Diversity.png
Qaar ka mid ah noocyada kala duwan ee Naasleyda ah, sida: Fiidmeer, Kaangaruu, Maroodi-badeed, bani-adam, Dabagaale, Dacawo, Maroodi, Deero, Nibiri, Buti, Dameer farow iyo kuwo kale.

Naasley (Af-Ingiriis: mammal; Af-Carabi: ثدييات) waa qayb ka mid ah xayawaanka oo ka duwan noocyada kale ee noolaha sida shimbiraha iyo xamaarato sababtoo waxay leeyihiin timo, sadex lafood dhegaha dhexdooda, naaso dhedigu leeyahay, iyo unugyo maskaxda ku yaala oo loo yaqaano neocortex.

Maskaxda Naasleydu waxay maamushaa heerkulka jidhka iyo isku-wareega dhiiga ee ka yimaada wadnaha.

Naasleyda waxaa ka mid ah xayawaanka ugu wayn dunida, sida Nibiriga, iyo xayawaanka ugu caqliga badan dhulka, sida dadka iyo maroodiga.

Qaab-dhismeedka Naasleydu intooda u badan waa jidh leh afar lugood iyo lafdhabar, inkastoo kuwa ku nool biyaha iyo hawada ka duwan yihiin. Dadku waa Naasley leh labo lugood iyo lafdhabar dheer oo isku xidha waaxyaha jidhka.

Xajmiga jidhka naasleydu wuu kala duwan yahay, tan ugu yar oo ah Fiidmeerta 40 mm (1.2–1.6 in) ilaa kan ugu wayn Nibiriga 33 mitir (108 ft).

Naasleyda Dhedig waxay leedahay tiro kala duwan oo naaso ah, kuwaas ooy nuujiyaan ilmahooda.

Sanadkii 2006dii noocyada naasleyda dunida waxaa lagu sheegay ineey yihiin 5,416 species.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

лиценца
cc-by-sa-3.0
авторски права
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha
изворно
посети извор
соработничко мреж. место
wikipedia emerging_languages