dcsimg
Image of Ananas comosus var. comosus
Creatures » » Plants » » Dicotyledons » » Bromeliads »

Pineapple

Ananas comosus (L.) Merr.

Cananis ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
Kani waa maqaal ku saabsan cananiska. Ha ku khaldin canab
Boga "cananaas" halkan ayaa laga soo toosiyay

Cananis, Cananaas (Af-Ingiriis: pineapple; Af-Carabi: أناناس) magaca Saynis "Ananas comosus" waa dhir leh midho waaweyn oo qolof adag leg taasi oo ka baxda deegaanada cimilada diiran leh.[2][3] a Cananaasku wuxu ka mid yahay geedaha ugu dhaqashada badan caalamka ee loo beerto hab ganacsi, kaasi oo ka baxa meelo badan oo caalamka ah.[4]

Marka la beerayo geedka cananiska waxaa la qalajiyaa jeex ka mid ah midhaha kaasi oo qaangaadh noqda wakhti ku dhow 20 ilaa 24 bilood, ka dib dhala midhaha cananiska.[5][6] Midhaha cananisku kuma bislaado geedka dushiisa, asagoo cayriin ah ayaa la soo gooyaa isla markaana la huuriyaa si uu bislaado.[7]

Guud ahaan, midhaha cananiska waxaa lagu cuni karaa isagoo qayriin, la shiiday ama la ridqey, meelaha qaar waxyar la kariyey. Midhahani waxay ka mid yihiin kuwo aad looga isticmaalo caalamka oo dhan. Waxaa intaas dheer, caleenta geedka cananiska waa mid la cuni karo. Wadano ay ka mid tahay Filibiin waxaa la karsadaa caleenta cananiska midaasi oo la cabo maraqeeda iyo caleentaba. Meelo kale waxaa midhaha cananiska laga sameeyaa daawooyin jidhka la marsado ama la isku qurxiyo.

Isku soo wada duub midhaha cananisku waa mid leh fiitamiino badan, nafaqo, borotiin iyo waliba amiino-asiidh badan. Cananisku wuxuu leehayay fiitamiin sii iyo asiidh badan.[8]

Magaca

 src=
Midhaha cananiska iyo kala badh
 src=
Geedka cananiska oo ubax bixiyey

Si la mid ah ereyo badan oo kale, ereyga cananis wuxuu Af Soomaaliga ka soo galay luuqada Af-Carabiga. Magaca cananaas waxaan ka soo amaahanay ereyga "An'nas" (أناناس),[9][10] taasi oo marka la tixraaco asalka kelmada ka timidey kalmaka nanas oo micnaheeda Af-Carabigu yahay midho dhadhan fiican ama midho macaan.[11]

Muuqaalka

Qoraalo La Xidhiidha

Tixraac

  1. "The Plant List: A Working List of All Plant Species". Retrieved 2014-07-25.
  2. Morton, Julia F (1987). "Pineapple, Ananas comosus". Retrieved 2011-04-22.
  3. "Pineapple Definition | Definition of Pineapple at Dictionary.com". Dictionary.reference.com. Retrieved 6 December 2009.
  4. Coppens d'Eeckenbrugge, Geo; Freddy Leal (2003). "Chapter 2: Morphology, Anatomy, and Taxonomy". In D.P Bartholomew, R.E. Paull, and K.G. Rohrbach. The Pineapple: Botany, Production, and Uses. Wallingford, UK: CABI Publishing. p. 21. ISBN 0-85199-503-9.
  5. "How to grow a pineapple in your home". Pineapple Working Group-International Horticultural Society. Retrieved 15 August 2010.
  6. "Pineapple Growing". Tropical Permaculture.com (Birgit Bradtke). Archived from the original on 17 June 2010. Retrieved 15 August 2010.
  7. "Pineapple". Archived from the original on 2012-07-18.
  8. "piña cloth". Free Online Dictionary, Thesaurus and Encyclopedia. The Free Dictionary. Retrieved on 2014-11-06 from http://www.thefreedictionary.com/pi%C3%B1a+cloth.
  9. "Pineapple". Oxford Dictionaries, Oxford University Press. 2015. Retrieved 2015-08-19.
  10. "History of the Pineapple". Dole Food Co., Dole Plantation. 2015. Retrieved 2015-08-19.
  11. Davidson A. (2008) The Penguin Companion to Food. Penguin Books.
license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha

Cananis: Brief Summary ( Somali )

provided by wikipedia emerging_languages
Kani waa maqaal ku saabsan cananiska. Ha ku khaldin canab Boga "cananaas" halkan ayaa laga soo toosiyay

Cananis, Cananaas (Af-Ingiriis: pineapple; Af-Carabi: أناناس) magaca Saynis "Ananas comosus" waa dhir leh midho waaweyn oo qolof adag leg taasi oo ka baxda deegaanada cimilada diiran leh. a Cananaasku wuxu ka mid yahay geedaha ugu dhaqashada badan caalamka ee loo beerto hab ganacsi, kaasi oo ka baxa meelo badan oo caalamka ah.

Marka la beerayo geedka cananiska waxaa la qalajiyaa jeex ka mid ah midhaha kaasi oo qaangaadh noqda wakhti ku dhow 20 ilaa 24 bilood, ka dib dhala midhaha cananiska. Midhaha cananisku kuma bislaado geedka dushiisa, asagoo cayriin ah ayaa la soo gooyaa isla markaana la huuriyaa si uu bislaado.

Guud ahaan, midhaha cananiska waxaa lagu cuni karaa isagoo qayriin, la shiiday ama la ridqey, meelaha qaar waxyar la kariyey. Midhahani waxay ka mid yihiin kuwo aad looga isticmaalo caalamka oo dhan. Waxaa intaas dheer, caleenta geedka cananiska waa mid la cuni karo. Wadano ay ka mid tahay Filibiin waxaa la karsadaa caleenta cananiska midaasi oo la cabo maraqeeda iyo caleentaba. Meelo kale waxaa midhaha cananiska laga sameeyaa daawooyin jidhka la marsado ama la isku qurxiyo.

Isku soo wada duub midhaha cananisku waa mid leh fiitamiino badan, nafaqo, borotiin iyo waliba amiino-asiidh badan. Cananisku wuxuu leehayay fiitamiin sii iyo asiidh badan.

license
cc-by-sa-3.0
copyright
Qorayaasha Wikipedia iyo tifaftirayaasha